Maxkamadda Ciidamada oo xukun riday

0
16

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad ayaa xukun il ah ku ridey askari ka tirsan Ciidmada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Askariga ayaa waxaa lagu Magacaabaa eedeysane Madani Cabdi Maxamed Cali oo 25-sano jir ah kana tirsan Rugta Booliska ee Hareera Kaadiyow Duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana 18/1/2021 uu xabbad AK47 ku dilay Shamso Nuur Ibrahim halkaasina ay ku geeriyootey.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60-aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in askariga lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Askar iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay dambiyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here