Maxkamadeynta Rag Tuuray Hoobiyeyaal oo ka bilaabatay Galmudug

0
35

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa shalay oo Axad ahayd bilowday dhageysiga kiiska rag lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Saddex eedeysane ee la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa la sheegay inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen Qaraxyada iyo tuuriska hoobiyeyaal ku dhacay Dhuusamareeb, waxaana gacanta lagu dhigay 4-tii bishaan Febraayo.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Gen. Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda Ciidamada ka dalbaday in Eedeysane Shuceyb Maxamed Salaad lagu rido xukun dil toogasho ah, halka Cabdinuur Cumar Guutaale iyo Mukhtaar Shariif Axmed lagu xukumo xabsi Ciidan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkameynta ragga ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in Maxkamadda go’aan kasoo gaari doonto kiiska eedeysanayaasha.

Ciidanka amniga Galmudug ayaa dhawaan gacanta ku dhigay rag ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo hoobiyeyaal ku garaacay Magaalada Dhuusamareeb, xili ay ku sugnaayeen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here