Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Boosaaso

0
21

Shirka amniga oo ay ka qayb galeen Taliyaasha Saldhigyada loo xil saaray sugidda amniga iyo Saraakiisha Booliska Gobalka ayaa looga hadlay xoojinta amniga, ka hortagista Maandooriyaha iyo dhalinyarada dhaca iyo xatooyada u geysta dadweynaha xiliyada habeenkii ah kuwaas oo ay jiraan kuwa badan oo ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.

Kusimaha Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Le Yuusuf Cabdi Cartan ayaa in la isla gartay in bulshada Gobalka Bari ay muujiyaan xoojinta amniga iyo garab istaag ay siyaan ciidmada Booliska si looga hortago wax walba oo dhibaato amni keeni kara.

Waxa uu sheegay in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay Khamri, Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askari kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u geysta mawaadinka in sharciga la marsiin doono.

Sarakiisha Boolsika Gobalka Bari ayaa ugu danbeyn Shacabka Bosaaso ka codsaday in laamaha amniga ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajintiisa.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here