Danjirihii dalka Talyaaniga u fadhiyay dalka Congo oo la dilay

0
25

Danjirihii dalka Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, nin booliis Talyaani ah, iyo wadahoodi  oo u dhashay waddanka Congo ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay Bariga dalka DRC shalay.

Danjire Luca Attanasio wasaaradda arrimaha dibedda ee Talyaaniga, ayaa laga soo  xigtay in safiirka uu la socday kolonyo ka tirsan MONUSCO, Ergada Qaramada Midoobay ee Xasilinta ee Dr Congo.

wasaaradda arrimaha dibedda ee Talyaaniga Wasiirka arrimaha dibedda Luigi Di Maio ayaa isaga baxay shirkii Brussels uu kula soo qaatay dhiggiisa EU si uu xilli hore ugu laabto Rome.

“Xaaladaha weerarkaan wuxuushnimada ah wali lama oga, dadaalna looma dhaafi doono si loo iftiimiyo waxa dhacay,” ayuu yiri Di Maio, isaga oo maamuusaya dhibbanayaasha.

Sidoo kale Weerarka gaadmada ah ayaa dhacay xilli kolonyada ay ka soo ambabaxaysay magaalada Goma, ee xarunta gobolka bariga Congo, si ay u booqdaan mashruuc iskuulka Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ee Rutshuru, sidaana waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay.

Hay’adda cunada adduunka ee WFP ayaa sheegtay inay ka raadinayso macluumaad maamulka deegaanka maadaama gaadmada ay ka dhacday waddo horay loo baneeyay si loogu safro iyadoon la waardiyeynin amni.

Danjire Attanasio oo 43 jir ah ayaa wakiil uga ahaa dalka Talyaaniga magaalada Kinshasa tan iyo sanadkii 2017. Wuxuu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadeed 2003 wuxuuna horey uga soo shaqeeyay Switzerland, Morocco iyo Nigeria.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka khasaaraha badan dhaliyay illaa iyo hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here