Guddoomiyaha Guddiga Musharaxiinta oo cadeeyay in aysan jirin cid aan ka tirsaneyn Midowga Musharaxiinta oo ku hadli karta magaca Musharaxiinta

0
21

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Musharaxiinta ayaa farriin mahadcelin ah u diray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam iyo Saciid C/llaahi Deni.

Guddoomiyaha Guddiga Musharaxiinta ayaa labada Madaxweyne dowlad  Goboleed uga magadceliyay mowqifka ay ka qaateen xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan doorashada.

Siciid C/llaahi Deni ayuu Shariifka ku boggaadiyay khudbadii habeen hore uu jeediyay ee ku sharaxayay arrimo badan oo la xiriira doorashooyinka iyo xogo uu ku sheegay in Madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo doonayo inuu xoog ku qabsado dalka, dibna loo doorto.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu sii dhimanayo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii September 2020 doorashada, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aan dalka loo wadin doorasho ee la doonayo xukun Milateri lagu maamulo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wato ayaa Ciidamada dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan uga digay in loo adeegsado dano gaar ah oo siyaasadeed, isaga oo ugu baaqay inay ka waantooban falalka aanan wanaagsaneyn.

Sheekh Shariif ayaa shaaciyay in aysan jirin cid aan ka tirsaneyn Midowga Musharaxiinta oo ku hadli karta magaca Musharaxiinta Madaxweynaha iyo afkooda intaba, isagoo u muuqday inuu ka Jawaabayay Eedeyn uga timid Dowladda Federaalka.

Ugu daneyn Hadalka Shariif Sheekh ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmo kahor Gen. Indha-cadde oo wata Ciidamo Milateri ah sheegay in dalka aysan ka jirin dowlad, xiligaas uu la wareegay Taalada daljirka Daahsoon oo lagu qaban lahaa banaanbixii Musharaxiinta ay ku dhawaaqeen ee dowladda is hor istaaga ku sameeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here