Midowga Yurub Oo Dalab U Gudbiyay Madaxweynaha Puntland

0
24

Wararka laga helayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Isu-imaatinkaan ka dhacay Garowe ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya oo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin.

Waftigaan ka socday Beesha Caalamka ayaa waxaa la sheegay in Madaxweynaha Puntland u gudbiyeen dalabkooda ah in uu ka qeybgalo shirka dhameystirka is afgaradkii Magaalada Baydhabo, sidii loo saxiixi lahaa heshiiskii 17-kii September loona fulin lahaa.

Saciid Deni madaxweynaha Puntland ayaa weli kasoo Jawaabin baaqii Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa ka qeyb galka shirka ka dhacaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wakiilada Beesha caalamka ee kulanka la qaatay Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander iyo xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here