Musharaxiinta madaxweyne oo mar kale ku baaqay bannaan bax jimcaha ka dhici doona Daljirka Dahsoon

0
18

Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ku yeesheen  Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ah ayaa mar kale ku baaqay bannaan bax maalinta jimcaha oo ku beegan 26 Febraayo oo ka dhici doona Taalada Daljirka Dahsoon.

Midowga murashixiinta ayaa Shir jaraa’id oo ay  ku qabteen Hotelka Jazeera oo xarun u ah lagu shaaciyay in bannaan baxa weli sidiisa yahay oo ay qaban doonaan jimcaha.

Laamaha ammaanka ee dowladda ayaa is hortaagay banaan bax jimcihii Musharaxiinta ku qaban lahaayeen Taalada Daljirka Dahsoon ee gobalka Banaadir, iyadoo la rasaaseeyay bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Ciidanka Gorgor ee Milateriga ayaa habeenkii jimcaha weeraray Hotelka ay degenaayeen Madaxweynayaashii hore, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Jahwareerka  siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii uu khilaaf ka dhashay hannaanka doorashada, iyadoo uu waqtiga ka dhacay Madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here