Seif Bamporiki oo u dhashay Dalka Rwanda Oo La Dilay

0
23

Seif Bamporiki Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda ayaa lagu  dilay dalka koonfur Afrika, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahinno kala duwan, qaabka uu u dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Seif Bamporiki ayaa lagu dilay magaalada Cape Town, waxaana in muddo ah uu dalkaasi ku joogay Musaafuris, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ka tirsanaa xisbiga lagu magacaabo  Rwanda National Congress (RNC).

Sidoo kale Qaabka uu udhacay dilka Seif ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana lagu soo warramayaa in hal xabbad lagu dhuftay xili uu dhex-fadhiyay gaarigiisa, Waxaa laga qaatay taleefankiisa gacanta iyo boorsada jaabka ee lacagta lagu qaato.

Booliska dalkaasi ayaa wali wax war ah ka soo saarin dilka hoggaamiyaha, waxaana ay sheegeen in ay baaritaan ku wadaan, ayna dib kasoo sheegi doonaan natiijayada kasoo baxda baaritaankooda.

Xukuumadda Rwanda ayaa la sheegaa in ay inta badan beegsato xubnaha Mucaaradka ah ee ku sugan dalalka ka baxsan waddankeeda, waxaana dilka Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki loo badaniyaa in ay ku lug-leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here