Siciid C/llaahi Dani Oo Magacaabay Taliyeyaal Ciidan (Wareegto)

0
21

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaa in Siciid Cabdullaahi Deni  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland uu xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Taliyeyaasha cusub ee Booliska Gobolada Sanaag iyo Karkaar, waxaana Wareegtada u qorneyd:

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.

2- Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here