Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya oo qudbad u jeediyay shirka Golaha Ammaanka

0
22
SC am

James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xaaladda amniga.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya ayaa waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

James Swan ayaa Sidoo kale tilmaamay in loollalanka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shirkii lagu qaban lahaa Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay labada dowlad Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Ugu dambeyn James Swan ayaa waxaa uu ku celceliyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here