Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa soo saartay Kiisaskii ugu dambeeyay ee caabuqa Covid19 laga helay guud ahaan dalka, waxaana jira Kisas hor leh oo soo kordhay.
24-kii saac ee ugu dambaysay ayaa laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka 2,476 ruux, waxaana laga helay xanuunka 229 qof oo ku kala sugan Gobolkani Banaadir iyo Gobolada Dalka.
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,476
– Laga Helay: 229
– Banadir: 117
– Puntland:63
– Somaliland:46
– Jubaland: 1
– Lab: 137
– Dhedig: 92
– Dhimasho: 6
– Bogsashada: 14
– Tirada Guud ee Laga Helay: 6,246
-Bogsashada Guud: 3,778
-Dhimashada Guud: 208