Wasaaradda Qorsheynta XFS oo gaadid ku wareejisay qaar ka mid ah Hay’addaha Dowladda

0
25

Magaalada Muqdishana waxaa lagu soo waramayaa in Wasaaradda Qorsheynta Maagashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Waqtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya  ay gaadiid ku wareejisay  wasaaradaha Maaliyadda, Xannaada Xoolaha iyo Xafiiska Deeegaanka ee hoos taga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wareejinta gaadidkaan oo ah shan (5) gaari ayaa qayb ka ah hirgalinta mashruuca Biyoole oo si habsamileh uga socda dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed, halka Soomaliand  la filayo in uu ka dhaqan gali-doona  mustaqbalka dhow Mashruuca Biyoole.

Waxaa la soo gebo-gabeey wajiga 1-aad oo dhinac dowalad gobaleedka Puntland oo 6 goobaad oo biyo celin laga samaynayo iyo afar goob-biyood oo la dayac tirayo. Halka Galmudug iyo Koofur Galbeed ay mar dhow la ambaqaadi doono asteenta goobaha biyo celinta laga samaynayo.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda  Qarheynta Qaranka ayaa ku wareejiyay mas’uuliyiinta Hay’adahaan kor ku xusan gaadiidka qaybtii ay lahaayeen, asagoo carrabka ku adkeeyey in mashruuca Biyoole hirgalintiisa oo hadda si xawli leh ku socda,

Agaasimaha ayaa Sidoo kale sharaxaad ka bixiyay marxaladahii iyo heerar kala gedisan ee lasoo maray, maantana uu kaalin weyn ka qaatay dhanka shaqo abuurka, xoojinta hay’adaha Dowliga iyo horumarinta biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here