Xukuumadda IRAN oo khubarada UN-ka u ogolaaday kormeerida xarumahooda Nukliyeerka

0
26

Wararka laga helayo xukuumadda Iran iyo hay’ada Nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (IAEA) ayaa heshiis ku gaaray in kormeerayaasha caalamiga ah ay tagi karaan xarumaha Nukliyeerka ee dowladda Iran.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Arrintan ay qeyb ka ah heshiiskii hore ee xakameynta barnaamijka Nukliyeerka Iran wallow ay Iran hoos u dhigtay awoodii kormeerayaasha Caalamigga ah kadib khilaafkii soo dhexgalay xukuumadii hore ee Maraykanka iyo Iran.

Waddanka Iran oo xiligan dardar gelisay barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa dhinaca kale dooneysa in laga qaado cunaqabateynta saaran, waxayna hadda u ogolaatay hay’ada IAEA in sadexda bilood ee soo socda kormeerayaashooda tagi karaan xarumahooda Nukliyeerka.

Rafael Grossi  Madaxa hay’adda IAEA, oo shalay dib uga soo noqday safar uu ku tagay Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiskaan uu yahay mid uu soo dhaweenayo.

Xukuumadda cusub ee Maraykanka ee uu hoggaamiyo Joe Biden ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in dib loo dhaqan geliyo heshiiskii uu horey u burburiyey Donald J Trump, balse sharuud uga dhigay Iran inay marka hore joojiso dardargelinta barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Iran sharuud uga dhigtay joojinta hawlaheeda nukliyeerka in marka hore la qaado cunaqabateynta saaran oo burbur xoogan u geysatay dhaqaalaha wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here