RW Rooble oo ka hadlay xaaladda dalka

0
155

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhawayd khudbad ka jeediyay munaasabadda ay musharraxiinta u tartamaysa 11-ka kursi ee ay gobollada waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Soomaaliya ay hadalkooda ka hor jeedinayeen ergada kala dooran doonta.

“Xaaladda dalka maanta wuxuu marayaa meel fiican doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad wey iska yimaadaan laakin wax weyn maahan, wax weyn aan loo qaadanin wax walba waxaa ka muhiimsan xasilloonida dalka, nabad galyada.” Ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble

Raiisal wasaare Rooble oo khudbadiisa sii wata ayaa yiri ” Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa inay ilaaliyaan xasiloonida Al-Shabaabna uusan ka faa’iidaysanin, ayna ka fogaadaan waxa tuhumada ama qalqalka abuurayo.”

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax weyn oo siyaasad ah oo hadda la isku haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here