Wasaarada macdanta iyo biyaha ee Dowllad Goboleedka Jubaland oo Ceel biyood ka qodaysa halka ladajiyey dadka ka soo laabanaya Xeryaha Qaxootiga dhadhaab .

0
1731

Daahfurka Ceel biyoodkii   kii ugu horeyey oo laga hirgaliyo Duleedka
magaalad magaalada kismaayo oo ah halka loo asteyay in laga dhiso
guryaha loogu tala galay in la dajiyo dadka kasoo noqonayo xeryaha
qaxootiga ee dalka kenya iyo barakacayaasha .

Wasaaradda macdanta biyaha iyo tamarta dowlad goboleedka jubbaland oo
kaasanaysa hay’ada Giz ayaa wada jir maanta u daah fuary mashruuca
lagu qodayo ceel biyoodkaan.

Wasiirka Wasaarada Macdanta  iyo Biyaha Jubbaland Maxmed Yuusuf Cumar
ayaa sheegay in dowlad goboleedka Jubbaland ay ka go’an tahay in dadka
ku nool deegaanada Jubbaland sidii ay ku heli lahayeen biyo ku filan
oo nadiif ah ay qorshaynayso .
Meesha laga qodayo ceel biyoodkaan ayaa in mudo waxaa ka socday
baaritaano lagu sahminayo biyaha ku jira iyo in laga qodi karo ceel
biyood.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in ceelkaan uu yahay mid kumeel gaar
ah wasaaradduna ay qorsheyneyso in ceelal kale laga qodo halka la
dajiyay dadka dalka kusoo noqonaya ee iskaga soo guuraya xeryaha
qaxootiga dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here