Madaxweynaha Jubbaland oo shir gudoomiyay Shirka Todobaad-laha ah ee golaha wasiirada Jubbaland

0
712

Madaxweynaha Dowlad-gobleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay Shirka todobaad laha ah ee golaha wasiirada Jubbaland waxaana Shirka todobaadkan looga hadley qodobo Muhiim ah, waxaa kale Shirka lagu ansixiyay Xeerka adeega  Garsoorka Jubbaland oo ay keentay Wasaaradda Garsoorka iyo arimaha Diinta ee Jubbaland.

Qodobada Diiradda lagu saarey iyo go’aamada golaha Wasiirada Jubbaland waxaa Saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan, waxaana uu wasiirku Sheegay in qodobada Shirka khamiis lahaa ee golaha Wasiirada Jubbaland diirada lagu Saarey ay ka mid ahaa Dib u xoreynta deegaanada ka maqan gacabta dowladda, dib habaynta iyo dar-dargelinta dhaqaalaha,  Maamul-daadejinta deegaanada  iyo qodobo kale oo Muhiim ah.

Dhinaca Garsoorka ayaa Waxaa si deg-deg loo dhisi doonaa, Xeer ilaalahaya guud, godoomihii Maxkamadda sare. waxaa kale la Magcaabi doonaa Hanti-dhowrka guud ee Jubbaland.

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Maalin Walba oo Khamiis ah yeesha Shirkooda Todobaad laha, Waxaa shirarka golaha Wasiirada diiradda lagu saraa arimaha Muhuum ka ah ee Jubbaland iyo dedaalada Dowladimada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here