Shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeesheen dalka Turkiga oo si weyn loogu Cambareeyay Madaxweyne Trump

0
764

Madaxweynaha Dalka mareykanka Doland J Trump ayaa 6-dii bishan aan ku jirto ee December si rasmi ah Caasimadda Yuhuudda ugu aqoonsadey Magaalada barakeysan ee Qudus ee dalka Falastiin oo ay deegaamayn ka wado dowladda Yuhuudda.

Go’aamka Madaxweyne Trump waxaa uu ka Careysiiyay muslimiinta dunida, waxaana isla markiiba uu go’aamka Trump la kulmay Cambaareyn Caalami ah oo uga Timi hogaamiyayaasha caalamka iyo Madaxda dowladaha Muslimka  ah oo iyagu si caro leh uga Jawaabey  go’aankii Trump.

Madaxwenyaha dalka Turkiga Receb Tayyib Erdogan oo ka mid ah hogaamiayaashii sida si weyn uga gil-gishay go’aankii Trump ayaa shir deg-deg ah dalkiisa isugu yeeray Madaxda dalalka ku bohoobey Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana Shirkaasi oo lagu qabtay magaalada Istanbuul ee Turkiga ka qeyb galay Madax dhan konton iyo todoba (57) xubnood oo ay ku jiraan lix iyo toban Madaxeyne, ra’iisalwasaarayaal, Wasiiro-arima debedeedyo iyo wakiilo.

Madaxdii ka qayb gashay Shirka ayaa muujiyay sida ay dalalka Islaamka u taabay Talaabadii uu qaadey madaxweynaha dalka Mareykan Doland J Trump oo noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo Magaalada Qudus u aqoonsada caasimadda Yuhuudda.

Madaxweynaha dalka Turkiga  Turkiga Receb Tayyib Erdogan ayaa Madaxda caalamka ugu baaqey in ay Magaalada Qudus u aqoonsadaan caasimadda Falastiin, waxaana Mr  Erdegan intaa ku darey in go’aan Trump uu yahay mid aan la aqbali karin.

Madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka mid ahaa Madaxka Shirka joogtay ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu Xirey albaabkii wadahadalada laba dhinac ee Isreal iyo falastiiniyiinta isla Markaana uu meesha ka saarey dedaalkasta oo la doonayay in nabad looga dhex dhaliyo Yuhuudda iyo Falastiinitiinta, waxaana uu sheegay in go’aanka Trump uu yahay  denbi weyn.

Madaxdii ka qayb gashay Shirkii ayaa isku raacey in meel looga soo wada jeesto go’aankii Trump, isla markaana waxay Mareykan uga digeen in uu Safaaradiisa u raro Magaalada Qudus, Waxaana ay Madaxdu baaq kaa la mid ah u direen beesha Caalamka oo  ugu baaqey in ay go’aan ka qaataan go’aankii foosha Xumaa Trump.

JUBALANDTV KISMAAYO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here