Dowladda JFS oo dalbatay in la kordhiyo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya

0
610

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Ali Xagaa ayaa ka dalbaday Mareykanka in la kordhiyo taageerada uu u fidiyo Soomaaliya iyo weerarada xagga cirka ee looga horjeedo kooxda Al-shabaab,

Wasiiru dowlaha,waxa uu tilmaamay in taageerada Mareykanka ay qeyb libaax ka qaadan karto dadaalka lagu burburinayo kooxda  Al-shabaab ,isla markaana howlgalada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Dronska ay yihiin kuwo muhiim u ah  habka wax ku oolka ah ee taageerada asi.

Maxamed Cali  ayaa xusay in haddii aan la helin taageerada Mareykanka ay ka dhigan tahay mid saacideysa in Soomaaliya aysan  ku istaagin cagaheeda,la aamteedna ay sii dabcineyso waxqabadka dowladda ee xagga la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

Hadalada Wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli dowladda Mareykanka ay sheegeen in ay hakiyeen taageerada dhinaca raashinka,shidaalka iyo lacagihii gunada ee ay bixin jireen sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda Arimaha Dibadda ee Mareykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

XIGASHO WAKAALADDA WARARKA SOOMAALIYEED (SONNA)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here