Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo Kulan ku yeesha Istaanbuul.

0
892

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Kulanka ayaa ka dhinac qabsoomay, intii uu socday shirkii aan caadiga ahayn ee ay isugu yimaadeen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

 

Waxaa kulanka dib loogu eegay xiriirka labada dal iyo qaabka loo xoojin karo, loona hormarin karo.

Sidoo kale waxaa intaas dheer in kulanka looga hadlay mowduucyo dhowr ah iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada Amiirka Qatar u fidiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo abuuro jawi nabadgelyo iyo xasilooni dowladeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay dadaaladaay Qatar waday iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulineyso Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Wafuuda labada dhinac ka socday, sida Amiiro iyo xubno Wasiiro ah.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka fulin doonto mashaariic ku baxeysa lacag gaareysa 200 milyan, waxaa mashaariicda qeyb ka ah dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo gobolada deriska la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here