Madaxweyne Xaaf oo howlo nabadeyn ah ka wada gobolka Mudug

0
623

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  oo socdaal ku maraya deegaanno ka mida Mudug iyo Galgaduud ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Madaxweyne Xeef ayaa salka ku haya u kuurgalka baahiyaha kala duwan ee ka jira degaannada Galmudug sida Amniga, Ganacsiga iyo indha-indhaynta xaaladaha nololeed ee Dadka danyarta ah, kuwaas oo ay samayn ku yeesheen Abaarihii iyo Colaaddii dhawaan ku dhuftay Gobolka Mudug.

Madaweyne Xaaf iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale ku hawlan dhammaystirka iyo xal ka gaarista isku dhacyo marar dhowr ah kusoo laalaabtay miyiga Gobolka Mudug, taasoo sababta inuu Gacan ka hadal dhex maro maamullada Galmudug iyo Puntland.

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go,an tahay Horumarinta iyo dib u dhiska degaannada Galmudug, wuxuuna ballan qaaday inuu wada shaqayn dhow la yeelan doono maamulka Puntland si loo taabba geliyo nabad ka islaaxda Gobolka Mudug.

XIGASHO WAKALAADDA WARARKA SOOMAALIYEED (SONNA)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here