Bulshada reer Jubbaland ee ku nool Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa Wasaaraha Jubbaland Su’aalo ka weydiinaya Wax-qabadkooda iyo Wax-walba oo ay bulshadu Su’aal ka qabaan oo su saabsan howlaha Wasaaradaha Jubbaland.
Lix ka mid ah Wasiirada Wasaaradaha Dowlad-gobleedka Jubbaland oo Maalimadii shalay soo Xaadirey Madasha isla xisaabtanka ayaa ka jawbaayay su’aalo is dabajoog ahaa oo ay weydiinayeen Shacabkii madasha ku sugnaa.
Maanta oo Isniin ah ayaa sidoo kale Waxaa madasha ka qeyb gelaya Lix wasiir oo kale, kuwaasi dadweynaha uga Jawaabaya Waxyaabaha ay su’aalaha ka qeybaan ee ku aadan howlaha Wasaaradaha, waxaana uu Kulanka noocan ahi muujinaya biseylka Siyaasadeed ee Hay’adaha Dowladda iyo Shacabka reer Jubbaland oo hadda si weyn u garan taagan Dowladda kulana Xisaabtamaya Masuuliyadaha iyo Howlaha ay u idmadeen Masuuliyiinta Jubbaland.
JUBALANDTV, KISMAAYO.