Shirka Dowladaha hoose oo la filaayo in uu ka furmo Dolow Goordhow.

0
1043

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in uu maanta ka daah furo Shir looga hadlaayo Arimaha Dowladaha Hoose.

Dagmooyinka ka Qayb galaayaa dhismaha dowladaha hoose ayaa waxaa ka mid ah Bardheere,Afmadow,Dagmada Luuq,Dolow iyo Beled Xaawo,iyadoo la kala hormarin doono Dhismaha Dagmooyinka Dowladaha hoose ee Dolad goboleedka jubaland .

Socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha  ayaa waxaa ku waheliya Madexwayne ku Xigeenka kowaad ee Dowlad goboleedka jubaland Maxamuud Sayid Aden iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa shalay Gaadhay Doolow,iyadoo Safarka ay ku waheliyaan  Madexwayne ku Xigeenka Jubaland ,Wufuud balaadhan oo kala Socda Golaha Shacabka Dalka ,La’aanta Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya  iyo Gudiga Xuduudaha dalka .

JubalandTv-kismaayo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here