Baraf ka da’ay dalka Al Jeeriya.

0
1744

Dhulka lama degaanka Saxaraha Aljeeriya ayaa  lagu arkay baraf badan kadib isbedal ku yimid cimilada, dhulkan oo kamid ah deegaanada ugu kulul dunnida ayaan lagu aqoon cimiladan qabowga.

Isbedalka cimilada dunnida ayaa sanadkan cusub laga dareemayaa wadamo badan sida Yurub iyo wadanka Maraykanka oo xiligan ku jira cimilo aad u qabow iyo baraf hakad ku keenay isu socodka magaalooyinka waaweyn ee saaran bariga dalka Maraykanka.

Halka dalka Australia maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayey kuleyl xad dhaaf ah, khubarada cimilada ayaa sheegaya inay tani qeyb ka tahay isbedalka ku imaanaya cimilada guud ahan dunnida.

Xigasho:Horseed Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here