Wadno Xanuunka Carrick oo sabab u noqonaya in uu qayb ka noqdo shaqaalaha,,,,

0
454

Hogaamiyaha Kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Michael Carrick uu ciyaaraha ka fariisan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu biiro shaqaalaha tababarka ee kooxda.

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in Michael Carrick uu u sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda tababarka marka uu ka fariisto u Ciyaarista Kooxda kubada cagta ee Manchester United, ka hor dhamaadka fasal ciyaareedkan. 

Carrick ayaa ciyaaray kaliya 90-daqiiqo tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu soo wajahay wadno xanuunka sannadkii hore.

Mourinho ayaa sheegay in Carrick uu haatan qarka u saaran yahay in uu dib usoo laabto tababarka buuxda ee Kooxdiisa, xilli uu sheegay in kalsooni wayn uu ku qabo in 36-sano jirkaan uudoor muhiim ah ka ciyaari karo inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Mourinho ayaa aaminsan in xiddigii hore ee xulka England Carrick uu qorsheynayo inuu hoos u dhigo qaab ciyaareedkiisa 19-ka sanno ee xirfadiisa kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay in uu aqbalay dalabkiisa ku aadan ku biirista shaqaalaha Kooxdiisa, xilli la ogson yahay in uu u saftay 460-kulan xilli uu dhaliyay 24-gool dhamaan tartamada oo dhan, balse la xasuusto in uu kula guulaystay koobab ay ka mid yihiin Premier League, Football League Cup, FA Community Shield, UEFA Champions League, UEFA Europa League iyo si la mid ah tartanka FIFA Club World Cup. 

Si kastaba ha ahaatee’ ka fariisashada Cayaariyahan Michael Carrick ee Kooxda United ayaa ku noqon karta caqabad kale, xilli Cayaariyahan Marouane Fellaini uu diiday in uu saxiixo qandaraas cusub, islamarkaana uu ka tago Kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhacayo heshiiskiisa.

 

Related image

The post Wadno Xanuunka Carrick oo sabab u noqonaya in uu qayb ka noqdo shaqaalaha,,,, appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here