Mid ka mid ah Xiddigaha ugu muhiimsan Barca oo kuso wajahan Serie A

0
484

Wakiilka Cayaariyahan Aleix Vidal ayaa sheegay in kalytigiisa uu wada hadalo kula jiro Kooxda reer Talyaani ee AS Roma.

Daafaca midig ee Kooxda Barcelona Vidal ayaa raba in uu isaga tago Camp Nou, kaddib markii ay soo wajahday boos la.aan tan iyo markii uu kusoo biiray Kooxda Cimaaliqada gobolka Catalania ee Barcelona sanad Ciyaaredkii 2016-kii.

Vidal ayaa laga yabaa in uu buuxiyo booska Cayaariyahan Emerson Palmieri kaas oo la sheegaayo in uu ku dhow yahay ku biirista Kooxda reer England ee Chelsea.

Graziano Battistini ayaa war baahinta gudaha wadanka Talyaaniga u xaqiijiyay in Kooxda Giallorossi ay xiriir lasoo samaysay si ay ugu wada hadlaan xaalada kalyantigiisa.

“Roma waa Roma,” ayuu yiri goolhayihii hore ee Kooxda Verona oo u waramayay Warsidaha Romanews.eu.

“Vidal waa mid diirada u saaran Kooxda Roma,
waxaan kulan arimahaas la xiriirta kala hadli doonaa maareyaha guud ee KooxdaMonchi si losoo afjaro inta lagu guda jiro suuqa jilaalka ee bishan,”ayuu kusoo hadalkiisa.

 

The post Mid ka mid ah Xiddigaha ugu muhiimsan Barca oo kuso wajahan Serie A appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here