Italy:Shil Tariin oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo.

0
502
BBC/English

Tareen ka mid ah kuwa u safra gobolada dalka Talyaaniga ayaa ka baxay wadada xadiidka ah,meel ku dhow magaalada Milaano,halkasi oo ay ku dhinteen laba ruux,halka uu dhaawac ka soo gaaray tiro dad ah.

Kooxaha la dagaalama dabka ayaa badbaadiyay tiro dad ah oo ku xayirmay qolal ka mid ah Tariinkaasi ka baxay wadada oo marayey inta u dhaxeysa Treviglio iyo Pioltello,sida ay ku warameen wariyaasha Telefishinka ee kannaalka Rai

Tariinkaan ayaa ku socday magaalada Milano,isagoo ka yimid Cremona oo dhacda Woqooyiga dalka Talyaaniga.

Ma cadda waxa sababay shilkaasi Tariin oo dhacay saacadda GMT markeey aheyd 07:00 (06:00 GMT).

BBC/English

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here