Ergo Ka Socota Qaybta Nabad Gelyada Ee Midowga Afrika Oo Ku Sugan Soomaaliya

0
487

Xubno ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nadab ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya Iyo Kuwa Dowlad Goboleedyadaba.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxanay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Xubanahan Socdaalkooda waxay diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya

Kala Soco Jubaland Tv

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here