Real Madrid oo ku garaacaysa Kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Chelsea saxiixa Cayaariyahan,,,

0
430

Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid ayaa qorshaynaysa u dhaqaaqista daafaca dhexe ee Kooxda Tottenham Hotspur Toby Alderweireld.

Kooxda reer Spain ee Madrid ayaa isha ku heysa xaalada xiddiga heerka caalami ee wadanka Belgium Alderweireld, kaas oo lagu soo waramaya in uu diiday saxiixida qandaraas cusub, kaddib markii laga reebay xulkii Talaadadii ee Ciyaarihii Champions League ay la Ciyaareed Juventus.

Hogaamiyaha Kooxda Spurs Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in Alderweireld uu ka tagi doono Kooxda kasoo jeeda waqoyiga Magaalada London, kaddib marka uu dhamaysto hishiiskiisa Wembley Stadium.

Kooxda boqorada Cad-cadka ee Los Blancos ayaa tartan adag ka filaysa Kooxaha Manchester City, Manchester United iyo Chelsea, ku waas oo sidoo kale qayb ka ah hardanka loogu jiro Cayaariyahan Toby Alderweireld oo 28-sano jir ah, xilli uu naadigisa Tottenham ka codsaday in mushaarkiisa ay ka dhigaan £150,000-toddobadkiiba.

 

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11450696.ece/ALTERNATES/s615b/https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11994157.ece/ALTERNATES/s615b/https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article11960514.ece/ALTERNATES/s615b/

The post Real Madrid oo ku garaacaysa Kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Chelsea saxiixa Cayaariyahan,,, appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here