Dhul Gariir Xoogan Oo Ku Dhuftay Waqooyiga Dalka Mexico

0
1187

Dhul gariirkan oo cabirkiisu lagu qiyaasay 7.5 Rictale Scale oo ah cabbirka dhul gariirrada, ayaa ku dhuftay dalka Mexico ,kaasoo sababay burburka guryo aad u fara badan sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga (Was)

Hay’aadda dalka Mareykanka u qaabilsan cilmiga Jiyoolijiyada  ayaa sheegtay in xarunta ama halka uu ka bilawday dhulgariirkaasi ay aheyd meel u dhow  xeebaha Badweynta Pacivigga ee Ohaaka ee Konfurta dalka Mexico.

Wuxuuna dhul gariirkan ka bilawday meel qiyaastii 43 km badda hoosteeda u jirta,waxaan xoogga dhul gariirkan laga dareemay  Gobollo badan oo dalkaasi Ah.

Warku wuxuu intaa ku daray in khasaaraha ka dhashay dhul gariirkaas aan weli la shaacinin, ayna socota barista.

Kala Soco Jubaland Tv

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here