Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Ayaa Ergay Gaar Ah U Magacaabay Dalka Yeman

0
712

Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay  Antonio Guiteras ayaa u magacaabay  dalka Yeman Ergay gaar ah oo  cusub oo bedelaya ergaygii hore ee Qaraamada Midoobay Waliika ugu ahaa dalkaasi Ismail Walad Shekh Ahmed.

Ergaygan cusb oo u dhashay wadanka Taliyaaniga waxaa lagu magacaabaa Martin Garrix waana dibolomaasi wadamo badan ka soo shaqeeyay.

Afhayeen u hadlay Qaraamada Midoobay ayaa sheegay in Ergayga cusub ee dalka Yeman loo soo magacaabay uu haatan hayo xilka agaasimaha fulinta Machadka Yurub u qaabilsan Nabadda, isla markaana uu yahay dobolomaasi aad u xeel dheer dhanaka wada hadalada iyo dhexdhaxaadinta arrimaha bani’aadanimada.

Ergaygii hore ee dalka Yeman Ismail Walad Shekh Ahmed oo muddo saddex Sano ah ka soo shaqeeyay Yeman kana waday nabadeyn dhinacyada colaada u dhaxeysa waxa mudada xilkiisa wakiilnimo ee Yeman uu ku eg yahay dhamaadka bishan ayno ku jirno ee Febrayo.

Kala Soco Jubaland Tv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here