Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Turkiga Oo Booqday Saldhiga Turkigu Uu Ku Leeyahay Magaalada Muqdisho

0
758

Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Turkiga Hakan Jaush Ogolo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa booqday xarunta tababarka Militariga Soomaaliya oo Turkigu ay ka hirgeliyeen magaalada Muqdisho.

Waxaa wafdiga ugu horeyn si diiran u soo dhaweeyey R/wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadd ee Soomaaliya,Xildhibaano iyo Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker.

Hakan Jaush Ogolo raiisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo uu wehliyo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku yaalo Deegaanka Jazeera ee Duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintani ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay,iyagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalka oo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay R/wasaare kuxigeenada Soomaaliya iyo Turkiga,iyagoo siweyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Booqashada Wafdiga R/wasaare kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya oo  hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda Dowladda Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlidoona arrimaha xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here