Banadir S, C Oo Dib Ugu Soo Laabatay Wadadii Guulaha.

0
631

Kooxda Banadir Sports Club ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga Madbacade kadib markii ay 2-0 ugu badisay, kulan ciyaareed ka dhacay garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kaa uu ka tirsana horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan ayaa aheyd mid aad u xiiso badan labada kooxod ayaa soo bandhigay kubadd aad u heer sareyso balse qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso kooxda Banadir waxaana goolkaas u dhaliyay xidiga Xasan Santos sidaas ayaa lagu kala maray dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta Wiilasha Madbacada ayaa garoonka dar dar xoogan ku soo galeyn iyago raba iney iska soo gudan goolka deenta lagu leeyahay.

Balse ciyaarto wax yar socota waxaa karaka roosaha loo taagay labo xidig oo labada dhinac Banadir waxaa Kaarka Guduudka ka qaatay weeraryahankeeda Marcel Samson kadib markii uu qalad ku galay xidiga daafaca kooxda Madbacada Mahad Maykon sido kale Madbacada waxaa karaka Roosaha ka qaatay xidigeeda Cabdow Maxamed.

Banadir Sports Club ayaa heshay goolkii 2-aad ee ciyaarta waxaana goolkas u dhaliyay xidigeeda Qaliif kadib markii uu madax ku caawiyay xidiga daafaca ugu ciyaara kooxda Najiib sidaas ayee ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 ay guusha ku raacday wiilasha Hussin Mblango.

 

 

 

The post Banadir S, C Oo Dib Ugu Soo Laabatay Wadadii Guulaha. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here