Hordhaca- Banadir S,C Vs Madbacada- Banadir Oo Galabta Rabta Iney Dib Ugu Soo Laabato Wadada Guulaha

0
492

kooxaha Banadir Sports Club Iyo Madbacada ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaare doona garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis, ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League waana kullankii 27-aad ee laga ciyaarayo horyaalka.
XAQIIQDA KULLANKA:
Wiilasha oo hogaamiyo Hussin Mblango ee Banadir Sports Club Kullankii ugu dambeyay waxey guul daro 1-0 kala soo kulmeyn difaacyasha horyaalka ee Dekedda, Kullan dhacay 19-2-18.
Kooxda kubadda cagta Madbacada Cyaartii ugu dambeysay waxey la soo kulantay guul daro aad u weyn kadib markii ay kooxda Elman ku xaaqday 5-1, ciyaar dhacday 21-02-18.
Banadir ayaa ku jirta kaalinta iyo soo ciyaartay 5-kulan waxaa laga soo badiyay 2-kulan, waxey soo adkaatay labo ciyaara halka ay 1- kulan ay bar baro gashay taas ayaa ka dhigan iney heesato 7-dhibcood.
Naadiga Madbacada waxey fadhisa kaalinta 6-aad, iyado 5-kulan soo ciyaartay waxaa laga badiyay 1-kulan sido kale waxey bar baro gashay 3-ciyaar halka ay 1-kulan adkaatay, waxeyna heesata 6-dhibcood.
OGEYSIIS KULLANKA:
Tartanka: Somali Premier League
Kooxaha: Banadir Sports Club Vs Madbacada
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30
Qiimaha: 10,00 Sh/Somali
Jawiga Garoonka:

The post Hordhaca- Banadir S,C Vs Madbacada- Banadir Oo Galabta Rabta Iney Dib Ugu Soo Laabato Wadada Guulaha appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here