Jeenyo Oo Bar Bar U Tuurtay Wiilasha Heegan.

0
348

Kulan xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka Banadir ee Degmad Cabdicasiis taa uu u dhaxeysay kooxaha Heegan iyo Jeenyo, ciyaartan ayaa qeyb ka aheyd horyaalka Somali Premier.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan Qeybtii hore dheesha labada kooxod waxey soo bandhigeyn kubadda ay aad ugu riyaaqeyn taageerayasha u soo daawasho tagay kulan balse waxaa lagu kala nastay 0-0 walow ay labada kooxod iska cuneyn fursado goolal loo filan karay.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi labadan kooxod ayaa soo sameyay wada tashi dheerad ah,Wiilasha Jeenyo ayaa dar daro xoogan garoonka ku soo galeyn iyago ka go’an iney guul ka gaaran kooxda Ciidanka Booliska Ee Heegan.

Heegan ayaa dhoor fursado  goolal loo filan karay iska qasaariyay taas ayaa keentay in lagu ciqaabay markii ay ciyaarta mareysay 89-daqiiqo  kadib Jeenyo ayaa heshay goolkii guusha waxaana u dhaliyay xidiga Cabdiraxmaan Kanu.

Guushan ay gaareyn kooxda Jeenyo ayaa ka dhigan iney soo gashay kaalinta 5-aad iyado booskaas kala baxday wiilasha Jaalayasha ee Elman.

 

The post Jeenyo Oo Bar Bar U Tuurtay Wiilasha Heegan. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here