Ciidanka Dadlka Kenya Oo Ku Raad Joogta Maleeshiyad Ka Tirsan AL-shabaab Ku waaso Gudaha U Galay Kenya

0
610

Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Ammaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano dhowr ah oo sita hubka culus ay galeen qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan howlgallo ay ku baadigoobayaan dagaalyahanada argagixasada AL-shabaab ee lagu arkay qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari.

Ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in dadka degaanada ku dhow Mandera ay u soo gudbiyeen in rag hubeysan ay arkeen , kuwaa soo aan aheyn ciidamada Booliska.

Cabsi weyn ayaa ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari, sidda uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Mandera.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay ku jiraan heegaan, maadaama dadka degaanka ay soo gudbiyeen in dagaalyahanadaasi ay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya.

Amniga degmada Mandera ayaa si adag loo adkeeyay , xilli dhawaan  nabadiidka Al shabaab ay weerareen Degaano hoos yimaada Mandera.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here