Chelsea Oo Daafac Ka Rabto Kooxda Ac Milan

0
491

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawaaqday inay daafaceeda AC Milan Alessio Romagnoli inay tahay bartilmaameedka suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

Romagnoli ayaa asal ahaan ka soo jeeda daafacyada ugu fiican Serie A, iyadoo 23 jirkaan uu soo soo ciyaaray kooxaha  Roma iyo Sampdoria ka hor inta uusan ku soo biirin San Siro.

 

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa door muhim ah ka ciyaaray AC Milan, laakiin sida laga soo xigtay Leggo, Gennaro Gattuso ayaa wajahaya dagaal inuu ku sii joogo kooxda.

 

Chelsea ayaa horaantii xiiso u qabatay Romagnoli, waxaana ay u muuqatay in Antonio Conte uu jeclaan lahaa inuu keeno Stamford Bridge hadii uu sii joogo Blues.

 

Romagnoli – oo shan gool u dhaliyey 98 kulan oo uu u saftay Milan – weli wuxuu heystaa labo sanno oo uu ka harsan yahay qandaraaskiisa.

The post Chelsea Oo Daafac Ka Rabto Kooxda Ac Milan appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here