Falanqeynta- Elman Vs Gaadiidka- Wiilasha Jaalayasha Oo Rabaan Iney Dib Ugu Soo Laabtan Wadada Guulaha

0
372

kooxaha Elman iyo Gaadiidka ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.
Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 35-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2017-18.
Elman kullankii ugu dambeyay waxey guul daro 4-1 kala soo kullantay naadiga Dhawaan galka ee Batroolka ciyaar dhacday 01-03-18.
Kooxda kubadda cagta Gaadiidka ciyaartii ugu dambeysay waxey bar baro 1-1 la soo gashay kooxda Waxool.
Elman ayaa fadhisa kaalinta 7-aad ee kala sareynta horyaalka iyado leh 6-dhibcood halka ay Gaadiidka ku jirto kaalinta ugu hooseysa ee horyaalka iyado leh 3-dhibcood oo qura.
lixdii kulan ee ugu dambeysay ay labada kooxod isku arkan horyaalka waxaa 3-kamid ah badisay kooxda jaalayasha ee Elman sido kale Gaadiidka ayaa adkaatay 2-kamid ah halka kulanka kale ay bar baro ku kala baxeyn.

24/02/2017 Elman FC 3 : 1 Gaadiidka FC
08/01/2016 Gaadiidka FC 0 : 1 Elman FC
16/03/2016 Elman FC 0 : 1 Gaadiidka FC
26/02/2015 Gaadiidka FC 0 : 0 Elman FC
28/05/2015 Elman FC 0 : 2 Gaadiidka FC
06/01/2014 Gaadiidka FC 0 : 3 Elman FC
OGEYSIIS KULANKA:
Tartanka: Somali Premier League
kooxaha: Elman Vs Gaadiidka
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

The post Falanqeynta- Elman Vs Gaadiidka- Wiilasha Jaalayasha Oo Rabaan Iney Dib Ugu Soo Laabtan Wadada Guulaha appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here