Falanqeen : Eibar vs Real madriid macalin zidan oo faraxsan oo booqan doona garoonka Eibar

0
437

Kooxda Real madriid oo dib uheshay qaabciyaareedkeedii wanaagsanaa ayaa booqaneysa kooxda Eibar kulan katirsan horyaalaka Laliga.

Real ayaa ugudubtay heerka sided dhamaadka tartanka champions league gadib markii ay harsiisay kooxda PSG.

Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa dib uhelay caafimaadkooda oo buuxa iyaga oona dib ugu soo laaban doona kooxdooda walo Toni uu badal ku soo galay ciyaartii champions league oo ay ka adkaadeen kooxda PSG balse laacibkii hore ee Tottenham ayaa la siiyey nasiino balaaran .

Gareth Bale iyo Isco ayaa ku dagaalami doona ku soo bilabashada kulakan madama aysan dooqa koowaad helin kula kii champions league .

Dafac xaawaaraha bada ee Nacho ayaa fursad uheysta in uu dib ugu soo laabto safka kooxda gadib Raphael Varane oo ciyaaray kulankii champions league .

Fabian Orellana ayaa kamaqan kooxda isaga oona kamaqnaan doona kooxdiisa mudo bil gadib dhaawac ka soo gaaray kukalankii ay ka ciyaareen kooxda Deportivo.

Pedro Leon ayaa markale ku soobilaban doona isaga oona laga ciyaarsiindoona khadka dhexe dhinaca kale Takashi Inui ayaa isna diyaar u ah in uu kulanka caawa ay laqadanayaan kooxda Real madriid uu ka soo muuqdo.

The post Falanqeen : Eibar vs Real madriid macalin zidan oo faraxsan oo booqan doona garoonka Eibar appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here