Hordhac: Malaga vs Barcelona Bulgarana oo qiil qiil ugali karta in laga badiyo

0
398

Hogaamiyaasha horyaalka ayaa booqan doona garoonka kooxda Malaga iyaga oona halkaa kula ciyaari doono kukan ka tirsan horyaalka.

Barcelona ayaa hada u muuqata mid iska daba reebtay Atletico madriid madama ay hada ka sareyso 8-dhibcood oo nadiif ah balse wax ay halis galayaan marka caawa laga badiyo

Kabtanka kooxda Barcelona ee Andr es Iniesta ayaa seegi doona kulankan isaga oona maqnaan doona mudo bil ah waxa uuna kudhaawacmay kulankii ay laqaateen kooxda Atletico madriid .

Thomas Vermaelen ayaa lala mataaneen doonaa Samuel Umtiti isaga oona la nasiin doono Gerard Pique sida mqcquulka ah .

Philippe Coutinho ayaa ku soo bilaaban doono isaga oona ka ciyaari doona garabka bidix ee weerarka .

Paulinho iyo Ousmane Dembele ayaa sidookale ku hardami doona sidii midkood uu ku kasban lahaa dooqa koowaad ee macakinka kooxda Barcelona .

Recio wali waa dhaawac qeebna kama ahan ciyaartoyda ka hor imaandoona kooxda hogaamineysa horyaalka LaLiga ee Barcelona . Mehdi Lacen iyo Manuel Iturra ayaa loo badinayaa markale in ay ku midoobi doonana khadka dhexe iyaga oona fursad uheesta in kulanka ku soo bilaabdaan .

Diego Rolan ayaa la ciyaarsiin doonaa garab midig ee weerarka halka xidgha kala Ah Jose Gonzalez iyo Youssef En-Nesyri ay ka ciyaari afka hore ee goolka .

Federico Ricca ayaa dib ugu soo laaban doona garabka bidix ee daafaca halka kursiga keedka la geen doono Diego Gonzalez Oo booskaas ciyarayey.

The post Hordhac: Malaga vs Barcelona Bulgarana oo qiil qiil ugali karta in laga badiyo appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here