Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqasho ku yimid Wasaarradda Warfaafinta XFS +Sawirro

0
889

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane;Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Mudane; Mahdi ayaa waxaa wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Sh. Yuusuf (Al-Caddaala).

Ugu horeyntii Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa waxa uu kulan la qaatay Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane; C/raxmaan Iidaan Yoonis iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Sh. Yuusuf (Al-caddaala), isagoo ka dhagaystay war bixin ku aaddan howlaha shaqo ee ay wasaaraddu u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane guuleed ayaa intaa raaciyay in sanadkan 2018-ka uu yahay sanadkii shaqada iyo wax qabadka, wuxuuna howl-wadeennada ku boorriyay inay la yimmaadaan howlkarnimo dheeri ah, wuxuuna sheegay inay wasaaradda Warfaafintu tahay hagaha iyo jiheeyaha Ummada Soomaaliyeed, waxanay ku jirtaa kaalin muhiim ah.

Ugu  danbaynti Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa howl wadeennada wasaaradda  kula dardaarmay inay dedaalkooda sii laba jibbaaraan, wuxuuna faray dhabar adayg iyo inay ka dhabaeeyaan hal ku dhigga ah hadal yar iyo howl badan.

Kala Soco Jubaland Tv
Xafiiska Wararka Jubaland Tv
Email:Jubalandtv3@Gmail.com
Tel:+252617107777

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here