Macalinka xulka spain ee Julen Lopetegui oo sii granaya xidgaha uu safkiisa koowaad ka dhiganayo dhacdda koobka aduunka

0
546

Kaliya waxaa ka harsan mudo sedex bilood dhacdada koobka aduunka macalinka xulka spain ee  Julen Lopetegui ayaa sii granaya xidgaha uu safkiisa koowaad ka dhiganayo marka ay ciyaaraha ay ka bilaabmaan dalka Russia.

Hada waxa uu maanka ku heystaa 10-ciyaaryahan oo uu goolhaye ku jiro waxaa banan hal boos oo uu dagaalkiisa uu furunyahay.

Shabaq ilaalinta waxaana shaki ku jirin in uu yahau David de Gea waxaana ka horeen doona oo daafaca ka ciyaaraya xidgaha kala ah Dani Carvajal, Sergio Ramos, Gerard Pique iyo Jordi Alba .

Weerarka hore waxa hogaamin doono Diego Costa waxaana garbihiisa lala ciyaarsiin doonaa David Silva iyo Isco.

Marka loo yimaado khadka dhexe waa meesha ay booska ka banantahay balse waxaa boos helaya oo la rumeensanyahay Sergio Busquets iyo Andres Iniesta balse waxaan la garaneen qofka sedexaad ee dhexda ka soo muuqan doona .

Xidigaha kala ah Koke, Thiago Alcantara iyo Saul Niguez ayaa ku dagalaamaya sidii ay isku muujinlahayeen kulamda saaxibtinimo iyo kulamada ka harsan horyaalka .

The post Macalinka xulka spain ee Julen Lopetegui oo sii granaya xidgaha uu safkiisa koowaad ka dhiganayo dhacdda koobka aduunka appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here