Massimiliano Allegri oo ka walwalsan badalka Miralem Pjanic kaas oo seegaya kulanka Real madriid.

0
494

Real Madrid ayaa wajaheysa juventus iyada oo aan wal wal badan ka qabin madaama mid kamid ah xidgaheeda ugu muhiimsan kooxda uu ka maqanyahay kaas oo lagu magacaabo Miralem Pjanic waxa uuna kulanka lugta kowaad ku seegaya qaab ganaax ah .

Massimiliano Allegri ayaa lumiyey mid kamid ah xidigaha ugu muhiimsan safkiisa walow hada ay jogaan Gonzalo Higuain iyo Giorgio Chiellini oo saftay in kabadan xidigii hore ee kooxda Roma .

Wey iska cadahay in 27- jirkan uu muhuum u yahay kooxda ka dhisa magaalada Turin.

Waa wadnaha dhexe ee kooxda marwada duqda isaga oona sameyey bassaskii ugu badnaa sidookale waxa uu abuuray fursadihii ugu badnaa ee gool loo filan karo sidoo kale waxaa uu caawiye ka noqday 7-gool xaqiiqooyinkaas waxa uu ka heestaa tartanka champions league .

Sidookale mishiinka dhexe waxa uu kooxdiisa ka caawiyaa kubadaha freekick iyo corner waxa uuna kamid noqday xidgaha lowgu jecelyahay xaga tuurista laadadka xurta .

juventus oo si qurux badan kaga soo gudubtay kooxda Tottenham ayaa la ciyaari doonta kooxda ay isla soo tiigsadee finalkii ugu dambeyey ee Real madriid balse kulankan muhiimka ah waxaa juve ka maqan Pjanic oo ah dhaqaajiyaha kooxda marwada duqda.

Xidga heerka caalami Bosnia and Herzegovina ayaa leheli doonaa kulanka lugta labaad balse macalinka kooxda Juventus ayaa xidgahan mikood usoo xulan doono buuxinta booskaas .

Xidigahan midkood Claudio Marchisio , Blaise Matuidi , Rodrigo Bentancur iyo Stefano Sturaro ayuu ka soo dhaex xulan doonaa badalka wilkii hore ee Roma.

The post Massimiliano Allegri oo ka walwalsan badalka Miralem Pjanic kaas oo seegaya kulanka Real madriid. appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here