Waxaa qaaradaha kala duwan ee dunida Xalay laga Ciyaaray kulamo saaxiibtinimo, ku waas oo laysugu diyaarinayo dhacdada ugu wayn dunida ee Koobka Aduunka.
Wadanka Argentina oo gaaray kama danbayst tartanka Koobka Aduunka ayaa ka adkaaday Xulka haysta Afarta jeer Koobka Aduunka ee Talyaaniga, waxaana labada gool daqiiqadihii danbe ka dhaliyay Xiddigaha Ever Banega iyo Manuel Lanzini, xilli uu ka maqnaa dheeshay Cayaariyahan Lionel Messi.
Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah ayaa xalay goolal isugu faanay kulankii u dhexeeyay Wadamada Portugal iyo Masaarida, Xilli CR7 uu laba gool dhaliyay, xilli dheeshooda ay kusoo dhamaatay 2-1.
Wadamada Germany iyo Spain ayaa ku kala baxay bar baro 1-1, xilli giilasha ay ka kala heleen Xiddigaha Rodrigo iyo Thomas Mueller, halka Wadanka England uu 1-0, kaga adkaaday wadanka Netherlands, waxaan goolkaas ay kaga mahdinaysa Weeriryahanka Kooxda Manchester United Jesse Lingard.
Wadanka Martigelinaya Koobka aduunka ee Ruusha ayaa la kulmay guuldaro markii Brazil uu kaga adkaaday 3-0, halka Faransiiska lagu dubtay gurigiisa, waxaana ka adkaaday Wadanka Colombia.
International – Friendlies March 23
FT Uruguay 2 – 0 Czech Republic
FT Mali 1 – 1 Japan
FT Russia 0 – 3 Brazil
FT Norway 4 – 1 Australia
FT Bulgaria 0 – 1 Bosnia and Herzegovina
FT Turkey 1 – 0 Ireland
FT Greece 0 – 1 Switzerland
FT Germany 1 – 1 Spain
FT Italy 0 – 2 Argentina
FT Netherlands 0 – 1 England
FT Portugal 2 – 1 Egypt
FT Scotland 0 – 1 Costa Rica
FT France 2 – 3 Colombia
The post Dhamaan kulamadii xalay laga Ciyaaray dunida, Italia oo la garaacay, CR7 oo laba jeer shabaqa tagay, Spain iyo Germany oo appeared first on Wararka Ciyaaraha.
Source: Sports