Man City oo lacag dhan £75m ugu dhaqaaqaysa saxiixa Isco

0
520

Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa qorshaysa in qiimo dhan £75-million ay ugu dhaqaaqdo saxiixa kubad qaabeeyaha dhexe ee Kooxda Real Madrid Isco.

Sida ay ku waramayso Jariirada The Sun, Xiddiga heerka Caalami ee wadanka Spain Isco ayaa tiro laba jeer ah ku guuldaraystay u dhaqaaqista Kooxda City, balse macalin Pep Guardiola ayaa u muuqda mid dib usoo celinaya xiisaha uu u qabo Cayaariyahan Isco.

Qanaaskii hore ee Kooxda Malaga Isco ayaa wali raadinaya kalsoonida booska kowaad ee garoonka Santiago Bernabeu, tan iyo sanad Ciyaaredkii 2015-kii, balse Kooxda Sky Blue ayaa ku fekeraysa in qiimo sare ay kusoo qaadato Cayaariyahan Isco, kaddib dhamaadka Kal Ciyaaredkan.

The post Man City oo lacag dhan £75m ugu dhaqaaqaysa saxiixa Isco appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here