Xidig muhiim ka ah kooxda Real madriid oo iska diiday manchestar united

0
519

United ayaa qarash gareysay lacago faro badan tan iyo markii kooxda loo magacaabay macalin Jose Mourinho isaga oona shaqada ka badalay oo si layaab leh shaqada lowgu eryey bishii May 2016.

Mancheater united ayaa 16 dhibcood ka hooseysa dhigeeda mancheater city oo hogaamineysa xagagan horyaalka premier league balse tartanka FA Cup waa rajadooda in ay ku guuleysan karaan koob xili ciyaareedkan.

Manchester United ayaa isku dayi doonta in ay qarash gareyso lacago farabadan marka uu furmo seylada ciyaartoyda waxa ayna kabaadi goobayaan ciyaartoy da’yar misane xirfad aan caadi aheyn leh.

Wararkii ugu dambeyey ee maanta laga helayo gudaha spain ayaa soojeedinaya in xidga kooxda Madriid ee Isco in uusan dhageysan doonin dalabka kaga imanaya kooxda ku ciyaarta garoonka Old trafford .

Sida laga soo xiganayo wargeeska  Don Balon, xidga xulka spain ayaa cadeeyey in uusan qorsheesan in uu ka dhaqaaqo kooxda Real madriid una dhaqaaqo United .

Arintan ayey dhabar jab ku tahay macalin jose mourinho kaas oo sidookale lix ciyaaryahan oo khad dhexe ka baadi goobaya suuqa .

Sidookale macalin Pep Guardiola ayaa dhankiisa muujiyey xiisaha laacibka waxa ayna ku baadi goobayaa qiimo lacageed gaaraya m£70m (€80m).

The post Xidig muhiim ka ah kooxda Real madriid oo iska diiday manchestar united appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here