Jupp Heynckes Oo Amaanay Xidigeesa Robert Lewandowski

0
380

Tababaraha Bayern Munich Jupp Heynckes ayaa saadaaliyay in Robert Lewandowski uu sii joogi doono kooxda ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo ay xiiseyneyso Real Madrid.

 

Heynckes ayaa meesha ka saaray inuu laacibkaan reer Poland ku biirayo isagoo ka tagaya kooxda heysata horyaalka Jarmalka, waxaana uu rajeynayaa inuu hal maalin uu jabiyo rikoorka gooldhalinta Bundesliga ee 220 gool.

Heynckes expects Lewandowski to stay put

“Waan ogahay saxaafada Isbaanishka, waxaa jira waxyaabo badan oo la isweydaarsanayo,” tababaraha Bayern ayaa sidaasi saxaafadda u sheegay shir saxaafadeed. “Waxaan qabaa in Lewandowski uu jabin doono rikoorka gooldhalinta Bundesliga labo ama seddexda sanno ee soo socota.”

 

Lewandowski ayaa haatan ka mid ah goolashii ugu badnaa ee heysta rikoorka gooldhalinta Heynckes, isagoo dhaliyay 174 gool oo Germany ah.

 

Gudoomiyaha Bayern Karl-Heinz Rummenigge ayaa horay ugu adkeeyay in gooldhaliyahooda ugu sareeya uusan iib aheyn.

The post Jupp Heynckes Oo Amaanay Xidigeesa Robert Lewandowski appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here