Juventus Oo U Dhaqaaqeysa Xidiga U Ciyaara Kooxda PSV Eindhoven

0
405

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda PSV Eindhoven Hirving Lozano ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda reer Talyaani ee Juventus.

 

Ka hor inta aan la gaarin xilli ciyaareedkan, Lozano ayaa ku biiray kooxda reer Holland, waxaana uu u dhaliyay 14 gool iyo todobo caawiye oo 24ka kulan u ciyaaray Eredivisie.

Related image

Manchester City ayaa hore loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer Mexico, laakiin sida laga soo xigtay suxufiga Talyaaniga Gianluca Di Marzio, Juventus ayaa xiiso u qabta 21 jirkaan.

 

Kooxda ka dhisan Serie A ayaa lagu soo waramayaa inay ka fakireyso bixintaanka xidigeed Paulo Dybala kaa uu raba inuu ka guuro  Turin inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Image result for Hirving Lozano juventus

Dybala ayaa noqday ninka ugu muhiimsan ee kooxda Massimiliano Allegri, laakiin Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa la sheegayaa inay doonayaan kubad sameeyaha reer Argentine ee La Liga.

 

Juventus ayaa markan rabta iney soo xero galiso xidigan da’da yar iyado rabta iney badal ugu dhigto xidiga reer Argentine ee Dybala.

The post Juventus Oo U Dhaqaaqeysa Xidiga U Ciyaara Kooxda PSV Eindhoven appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here