Madaxweynihii hore ee dalka Brazil oo  Booliska isku dhiibi doona

0
731

Madaxweynihii hore ee Brazil Lula da Silva   ayaa waxaa gurigiisa hareereeyay ciidamo ka tirsan  booliska dalkaasi ka dib markii la tuhmay in uu qorsheeynayo in si dhuumaaleysi ah uu uga baxsado Booliska.

Booliska ayaa waxa ay xaqiijiyeen in uu hadda ku sugan yahay dhismo ku yaalo magaalada uu ka soo jeedo ee ka baxsan Sao Paulo, islamarkaana uu qorsheynaayo in uu ciidamada isku dhiibo.

Lula da Silva   oo ah 72 sano jir ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, ka dib markii  lagu helay eedo la xiriira  musuqmaasuq.

Qareenadiisa ayaa la sheegay in Booliska ay kala hadlayaan sidii uu isu soo dhiibi lahaa,waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu doonayo in booliska isku soo dhiibo islamaanta .

Qaar ka mid ah Dadka taageersan Lula da Silva   ayaa  aaminsan in xukunka ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee Brazil uu yahay xukun siyaasadeysan.waxaana la arkayaa kumanaan taageerayaashiisa ah oo isugu soo baxay banaanka dhismaha  wayn ee uu ku jiro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here