Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Maanta Ka Amba Baxay Magaalada Muqdisho

0
477

Waxaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho ciyaaryahanada qaranka Soomaaliya ee da’doodu ay ka yartahay 17-sano jirka.

Ciyaartoyda ayaa ku wajahan wadanka Burundi halkaas oo ay kula ciyaari doonaan ciyaaryahanada da’doodu ay ka yartahay 17-jirka ee xulka Itoobiya, waxaana kullanka uu dhici doonaa 15-April oo ku beegan Axada.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ay ka yartahay 17-jirka waxaa sanadkan hogaaminaya macalinkii hore ee Jeenyo Salaad Xasan Faarax, halka kabtanka uu noqon doono daafaca kooxda Heegan Cali Xabad.

Qaar kamid ah Ciyaartooyda magaca ku leh horyaalka Somali Premier League ayaa ka soo muuqanaya xulka, waxaana xidigahaas kamid ah Farxaan Doqow, Cabdiwali iyo Xamse.

Kulanka 2-aad, Somalia under 17 waxey la ciyaare doonan xulka Burundi Under 17- ciyaartaas ayaa dhici doonta 17-bishan oo ku beegan Taladada soo aadan.

Macalin xulka qaranka Somali ayaa ah wafdiga hogaaminaya ciyaaryahanada da’da yar ee xulka tartankan u matalaya.

25- xidig ayaa maanta ka duulay magaalada muqdisho ayago ku sii jeeda wadanka Burundi.

Si kastaba Tartanka Cecafa Under 17- ayaana aheyn mid sanadkasta la qabta waxaana la marti galiya oo qura xiliga dhaqaalo loo helo, waxaana sanadkan marti galinaya wadanka Burundi.


W/D Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar (Nani)

The post Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Maanta Ka Amba Baxay Magaalada Muqdisho appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here