Dolwadda Ruushka oo soo bandhigeysa Taangiyo aan darawal lahayn.

0
755

Bandhigga maalinta guushii waynayd ee ay Ruushka gaareen dagaalkii labaad ayaa waxa Arbacada lagu soo bandhigi doonaa Taangiyo ah nooca Rimuutka lagu hago iyo hub kale oo cusub oo ah kuwii Suuriya lagu tijaabiyay.

Tangiyada loo yaqaano Uran-9 tank ayaa waxa ku rakiban gantaalada lidka taangiyada ,madaafiic iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa dib u soo cusboonaysiiyay dhaqankii xilligii Soofiyeetka ee ahaa in 9 bisha May la soo bandhigo hubka casriga ah ee ugu dambeeyay.

Maalintani waa maalinta la xuso malaayiintii qof ee ku dhintay dagaalkii ay Ruushka la galeen Naaziyiintii Jarmalka.

Gawaarida gaashaaman,diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada lidka maraakiibta ayaa sidoo la soo bandhigi doonaa.

Jariirada Russia’s Gazeta.ru news ayaa sheegtay in tangiyada Uran-9 , gawaarida lagu saaro miinooyiinka iyo Uran-6 ay intaba si wanaagsan ugu shaqeeyeen dagaalka Suuriya.

Ruushka ayaa Suuriya u daadgureeyay ciidamo gaar ah iyo diyaarado dagaal si ay madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad gacan uga siiyaan kooxaha kala duwan ee mucaaradka ee ay ka mid yihiin kooxda IS.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here